Cabsi laga qabo markab sabeynaya dekedda Muqdisho

by Hassan Ali | Saturday, Mar 11, 2017 | 108 views

11,March,2017(sofonews) Markabkan oo magaciisu yahay MSC Postano ayaa maanta duhurkii la doonayay inuu ku soo xirto Dekeda, balse cilad haleeshay matoorka markabka iyo farsamo la’aan ayuu ugu soo xiran waayay Dekeda.
Ilo ku dhow dhow maamulka dekedda Muqdisho ayaa sheegaya in Markabka uu haatan sabeynaya xeebta meel u dhow Isbitaalka Martiini iyo Xabsiga Muqdisho, waxaana badda oo biyo yar darteed ay suura geli la’dahay in loo jiido dhanka Dekeda.
Shirkadda gacanta ku heysa Dekeda Muqdishi ee Albeyrak ayaa lagu dhaliilay in aanay wali keenin Taagag badan oo maraakiibta ku soo xira Dekeda, marka laga reebo inay isticmaasho saddexda Taag ee Jabuuti ugu deeqday Soomaaliya.
Qaar ka mid ah shaqaalaha ka howl gala Dekeda Muqdisho ayaa sheegaya in sababta Markabkan ugu soo xiran waayo Dekeda ay tahay, in wali aan dayactir ballaaran lagu sameyn halkii maraakiibta ku soo xiran laheyd, iyadoo wali ay muuqato bur bur gunta hoose ah meelaha maraakiibta ku xirtaan.
Hadal haynta ugu badan ayaa ah markabkaasi ayadoo uu soconaya dadaal ku aadan sidii markab kaasi uu ugu soo xiran lahaa dekedda Muqdisho waxaana uu sidaa alaabo aad u badan.

Like it? Share it!

Leave A Response