Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ku guuleystay guudoomiyaha aqalka sare

by Hassan Ali | Sunday, Jan 22, 2017 | 150 views

22,January,2017(SofoNews) Doorashadii Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka  oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi ka dib markii uu helay codad gaaraya 43-cod iyadoo ay codeeyeen 52-xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Aqalka Saree e dalka.

Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo xildhibaan Mustaf  Qodax ayaa wuxuu helay 9-cod, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashada.

Waxaa hada la galayaa Doorashada Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka koowaad.

  1. Xasan Faarax Xujaale.
  2. Axmed Xaashi Maxamuud
  3. Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
  4. Abshir Maxamed Maxamuud.
  5. Cabdi Axmed Dhuxulow.
  6. Maxamuud Axmed Maxamuud.
  7. Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka Labaad.

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Maxcow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. fartuun Cabdulqaadir Faarax.
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan

 

Like it? Share it!

Leave A Response