Burcadda badaha ayaa sii daayay 26 Asian ah oo u xirnaa 4 Sano

by admin | Monday, Oct 24, 2016 | 208 views

24 Oct 2016 (SofoNews) – Kooxda burccadda badaha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii daayeen 26 shaqaale ah oo ay afduub u heysteen muddo kabadan Afar sano kaddib markii la bixiyay madax furasho.

Koox dhex dhexaadiyayaal caalami ah ayaa sheegay in dadaal badan kaddib la bixiyay lacago madax furasho ah taasi oo keentay sii deynta dadka afduubka loo heystay.

Shaqaalaha maraakiibtan oo ka soo jeeday Vietnam,Taiwan,cambodia, Indonesia iyo China ayaa kamid ahaa dad kujiray gacanta buracadda badaha soomaaliya.

Bile Hussein, oo kamid ahaa burcadda wax afduubatay ayaa sheegay in shaqaalaha ay kamid ahaayeen markabka lagu magacaabo FV Naham 3, kaasi oo laga leeyahay dalka Taiwan waana markab kuulameysi oo la afduubay March 2012.

Hussein ayaa sheegay in la bixiyay USD 1.5 million si madax furasho ahaan. Waxaana dadka la sii daayay ay haatan kujiraan gacanta maamulka Galmudug.

 

 

Like it? Share it!