Boqolaal tahriibayaal ah oo dooni kula degtay xeebaha dalka Libiya

by Hassan Ali | Friday, Mar 24, 2017 | 122 views

24,March,2017(SofoNews) Ayadoo qataraha lagala kulmo tahriibka ay tahay mid halisteedi leh ayaa hadana waxaa muuqanaysaa in weli uu sii kordhayo qulqulka dadka tahriibayaasha ah kuwaasi oo ku sii wajahan qaaradda Yurub.
Wararkii ugu dambeyeey ee dhinaca tahribka ah ayaa sheegaya in dooni siday dad tahriibayaal ah ay ku quustay xeebaha dalka Liibiya taasi oo laga casbi qabo in ay ku dhinteen dadkii sarnaa doontaasi.
Doonta degtay ayaa la sheegey in ay la socdeen dad gaaraya ilaa 100 qof kuwaasi oo la aaminsan yahay in ay badda ku dhinteen, balse, hay’ad fadhigeedu yahay dalka Spain ayaa sheegtay in la helay meydadka shan ruux oo kaliya kuwaasoo dul sabaynayay badda iyadoo laga cabsi qabo in dhammaan dadkii kale ee saarnaa markabka ay dhinteen.
Ciidamada ilkaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegey in aysan soo gaaran wax tahriibayaal ah, ayadoo Ms Lanuza oo u hadlayay hay’ad fadhigeedu yahay Spain uu sheegay in ugu yaraan 240 tahriibayaal ay saarnaayeen doontan ka soo shiraacatay xeebaha dalka Libya.
Warbixin ay soo saartay Hay’ada IOM oo u qaabilsan dadka soo galootiga ah Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay ku sheegtay in labaatan kun oo tahriibayaal ah ay gaareen dalka Talyaaniga waxaana la sheegay in dad gaaraya 559 tahriibayaal ay dhinteen ama lagu la’ yahay badda.

Like it? Share it!