Boqolaal dad ah oo careysan oo ku banaan baxaya Safaaradda Mareykanka ee Jordan

by admin | Friday, Dec 8, 2017 | 33 views

Ammaan (Somaliafocus) – Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay afaafka hore xarunta safaaradda Mareykanka ee Amman, iyaga oo codsanaya in albaabada loo laabo dhammaan saldhigyada Mareykanka uu ku leeyahay Jordan.

Dadka isugu soo baxay halkaasi ayaa ah kuwo ka careysan mowqofka Mareykanka ee ah in Jerusalem ay noqoto caasimadda Yuhuudda xilli beesha caalamka ay raadineyso qorsho laba dal ah oo ku heshiiya caasimadda.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa ku dhawaaqay Arbacadii in mowqifka Mareykanka uu yahay mid uu ku doonayo in safaaraddiisa u raro Jerusalem islamarkaasina uu u aqoonsaday halkaasi caadimadda Yuhuudda.

Baarlamaanka Jordan, siyaasiyiin iyo dhaq dhaqaayo islaami ah iyo ururada bulshada ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay isku soo baxyo ka dhaca magaalooyinka dalka Jordan.

Boqolaalka ruux ee isku soo baxay safaaradda Mareykanka ayaa dalbanayay in Mareykanka uu ka guuro dalkooda, xilli la joojiyay dhaq dhaqaayada shaqaalaha iyo muwaadiniinta Mareykan ee dalkaasi.

Jordan ayaa ka cabsi qabta in qorshaha ballaaran ee Mareykanka iyo Yuhuudda uu qeyb ka yahay in Falastiiniyiinta la duufsiyo xuquuqdooda islamarkaasina Jordan ay kamid tahay meelaha ay bartilmaameedsanayaan.

Booliiska Jordan ayaa wada qorshe ay ku xakameynayaan banaan baxayaasha iyaga oo furaya gaaska dadka ka ilmeysiiya. Dunida Islaamka ayaa si carro leh uga fal celisay go’aanka Mareykanka waxaana haatan jira shir deg deg ah oo uu ku baaqay madaxweynaha Turkey kaasi oo looga arinsanayo xaaladdan taagan.

Like it? Share it!

Leave A Response