Booliska Puntland oo su’aalo weydinaya in lagu qabtay isagoo xiran dharka dumarka

by Hassan Ali | Monday, Mar 27, 2017 | 209 views

27,March,2017(SofoNews) Ciidamada amaanka magaalada Gaalkacyo ee Puntalnd ayaa lagu soo warramaya in ay gacanta ku soo dhigeen qof la sheeegey in uu ku soo labistay xijaabka dumarku ay qaataan.
Saraakiisha amaanka Puntaland ayaa xaqiijiyaya qabashada ninkaasi oo la sheegey in uu sidoo kale uu xirnaa indho shareer ayadoo ay laamaha amanku ay howlo baaritaano ka hayaan.
Ninkaan oo lagu qabtay Xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ayaa siweyn la isku weydiinayo dhacdadaasi taasi oo noqotay mid bulshadu ay su’aalo ay iska weydiinayaan.
Ciidamada ayaa hadda Baaritaan ku haya,waxaana la dhigay Ninka la qabtay Xabsiga weyn ee Waqooyiga Gaalkacyo si loo hubiyo wuxuu damacsanaa.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro iyo qaraxyo lagu beegsanayo xarumaha maamulka.

Like it? Share it!

Leave A Response