Booliska Kenya oo xiray dad lala xiriirinayo Alshabaab

by Hassan Ali | Wednesday, Jan 11, 2017 | 232 views

11,January,2017(SofoNews) Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in Booliska dalkaasi uu xabsiga dhigeen labo dhalinyaro ah oo lala xiriirnayo inay ka tirsanaayeen Al-shabaab oo weeraro badan ka geystay dalka Kenya.

Saraasha laamaha amaanka  waxay sheegeen in labada dhalinyarada ah lagu qabtay cadeymo ah weeraro ay qorsheeyeen inay ka geystaan dalka Kenya iyo waxyaabaha qarxa.

Booliska ayaa sheegay in labada dhalinyarada ah ay wadeen qorshe ay ku weerarayaan goobaha kaniisadaha ah iyo meelaha dadweynaha ay ku kulmaan.

Dhalinyaro kale oo lala xiriirnayo Al-shabaab ayay sheegeen saraakiisha booliska inay ku raad joogaan kuwaasi oo dhalinyarada la qabtay ka caawin rabay weerarada ay qorsheeyeen.

Tan iyo markii weeraro ay ka dheceen suuq Westgate Mall ee Nairoobi  2013-kii iyo weerarkii Jaamacada Gaarisa oo dhacay 2015-kii ayaa waxaa sii kordhayay heeganka lageliyaay laamaha amaanka dalka Kenya.

 

Like it? Share it!