Booliska Kenya oo xabsiga dhigay 6 haween Soomaali ah iyo 16 caruur ah

by Hassan Ali | Monday, Nov 7, 2016 | 217 views

7,November,2016(SofoNews) Sida ay laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhow qoysaska ay qabteen ciidanka Kenya, booliiska ilaalada xudduudaha Dalka Kenya ayaa weli gacanta ku haya   Lix Haween ah oo watay 16 Carruur Soomaaliyeed ah oo ka tallaabayay degaanka Lokiriama ee kala bara Yugaandha iyo Kenya.

Taliyaha Saldhigga Booliiska degaanka Lorugum, Charles Rono, ayaa sheegay in la xiray Qaxootigaasi iyo Laba Dareewal oo u dhalatay Dalka Yugaandha, kuwaasi oo waday Gaadiidkii ay Dadkaasi ku safrayeen.

Wararaka ayaa intaasi ku daray inay Dadkaasi doonayeen inay si sharci la’aan ah ku soo galaan Kenya, wuxuuna xusay inay Qaxootiga u gudbin doonaan Xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaab ama Kakuma, balse taasi beddelkeeda la marin doono baaritaanno dheeri ah go’aanno kalana laga qaadan doono.

Qaxootiga Soomaalida ee ku jirta Xeradda Dhadhaab iyo Kakuma ayaan loo oggolayn inay Dukumenti la’aan safraan, inkastoo Haweenka Soomaalida ee lagu qabtay Xuduudka Kenya la wadaagto Yugaandha ay wateen Baasaboorro.

 

Like it? Share it!