Booliiska oo la wareegay Hub Holcin lahaa Belgium

by admin | Saturday, Nov 28, 2015 | 354 views

28,Nov,2015 (SOFO NEWS) – Ciidamada Booliiska Taliyaaniga ayaa la wareegay qiyaastii 800 oo qoryaha fudud ah kuwaasi oo ka yimid dhanka Turkiga kuna sii jeeday Belgium.

Waxaa la xaqiijiyay in hubka uu ku dhexjiray sanduuqyo ay wateen shaqsiyaad kuwaasi oo wata diiwaangelin ay sameysay Dutch ka waxaana lagu qabtay dekadda.

Inkasta oo aan la jabin sharciga kastanka ayaa hadana la xaqiijiyay in darawalka oo Turkish ahaa aannu heysan Leysan la xiriira hubka uu sido, sidaasi waxaa yiri Booliiska wadankaasi.

Waxaa heegan kujiray ciidamda Bulgiumka tan iyo markii ay dhaceen weerardii lagu qaaday Paris oo dadka badani ay ku dhinteen. Dalalka Yurub ayaa hadda wadaagaya macluumaad badan oo ku saabsan amaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response