Beesha caalamka oo sheegey in ay la shaqeyndoonaan xukuumadda cusub

by Hassan Ali | Thursday, Mar 30, 2017 | 53 views

30,March,2017(SofoNews) Beesha Caalamka ayaa waxa ay ka hadashay Go’aankii 29-kii Bishan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay ku ansixiyeen Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya, oo uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Khayre.
war qoraala h oo ay soo saareen Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden ayaa si wadajir ah waxa ay ugu soo dhaweeyeen ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya.
Waxa ay sheegtay Beesha Caalamka Dowladda Federaalka, gaar ahaan xukuumadda cusub in ay kala shaqeyn doonto sidii arrimaha wax looga qaban lahaa iyo in arrinta la xiriirta Amniga isbedel weyn lagu sameeyo, lagana hortago dilalka macno darada ah ee ka dhaca Muqdisho.
Maalintii shalay ayaa baarlamanka Soomaaliya waxaa uu codka kalsoonida ah siiyay xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayadoo waxaana kulankii ugu horeyeey ay yeesheen maanta golahaasi wasiirada cusub

Like it? Share it!

Leave A Response