Beesha caalamka oo ku baaqaday in la dedejiyo doorashada madaxweynaha

by Hassan Ali | Monday, Jan 23, 2017 | 147 views

23,January,2017(SofoNews) War Qoraal ah oo ka soo baxay ka soo baxay beesha caalamka ayaa looga hadlay geed us ocodka siyaasada Soomaaliya iyo doorashada aqaka sare e Soomaaliya .

Beesha caalakma waxa ay soo dhaweysay doorashada gudoonka aqalka sare ee Somaaliya oo loo dooraty Gudoomiyaha snator Cabdi Xaashi halka ku xigeenkiisa koowaad loo doortay Senator Abshir Bukhari iyo ku xigeenka labaadna loo doortay Mowliid Guhaad.

Waxa ay sheegeen inay muhiim tahay in si dhaqsi ah loo dhiso gudi doorasho oo ka kooban labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya lana dadajiyo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa intaa ku dartay inay rajaynayso inay doorashada madaxweynaha Soomaaliya inay noqoto mid ka hufan musuqmaasuq kuna dhacdo waqtiga ugu haboon

Hadalkan ayaa imaanaya ayadoo shalay magaalaada Muqdisho ay ka dhacday doorashada guddoonka aqalka sare

Like it? Share it!