Beesha Caalamka oo bogaadiyay Dowladda Konnfur Galbeed

by admin | Tuesday, Oct 11, 2016 | 251 views

11 Oc 2016 (SofoNews) – Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa lagu amaanay kaalinta ay ka qaateen geedi socodka doorashooyinka dalka iyaga oo waqtigii loogu talagalay soo gudbiyay xubnaha u matalaya baarlamanka iyo aqalka sare.

Maamulka ayaa sidoo kale ku guuleystay in xubnaha u tartamaya labada gole ay ka soo muuqdaan haween taasi oo dhowraysa heshiiskii madasha oo ahaa in la dhowro kaalinta haweenka.

Boqolkiiba Soddon (30%) ayay haweenku ku leeyihiin kuraasta dalka, waxaana la isku afgartay in maamulada ay ky biiriyaan haween liisaskooda si taasi ay u suuragasho.

Maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubba ayaa dib loogu celiyay liisaskooda si haween ay ugu soo biiriyaan.

UN ka iyo wakiilada heyadakale ee taageera Soomaaliya oo midowga yurub uu kamid yahay ayaa si diiran u soo dhoweeyay dadaalka uu muujiyay maamulka Koonfur Galbeed.

Like it? Share it!