Baydhabo oo lagu qabtay kulan ku saabsan horrumarinta afka Soomaaliga

by Hassan Ali | Wednesday, Oct 26, 2016 | 150 views

Akadeemiyo Goboleedka Af-soomaaliga shalay xarunta Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo waxa ay ku qabteen Kulan Aqoon Isweydaarsi ah oo looga hadlayay adeegsiga Af-Soomaaliga ee dhinacyada Maamulka, Waxbarshada iyo Warbaahinta.

Madashaasi oo aheyd mid aad u xiisa badan ayaa qabashadeedii waxaa iska kaashaday Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga “AGA” iyo Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay madax ka kala socotay maamulka K/Galbeed, bahda waxbarshada, warbaahinta iyo wakiilo matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaaladaasi.

Wakiilka Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga ee K/Galbeed ahna Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay oo furitaankii munaasabadaasi khudbad qiima badan ka jeeediyay ayaa ku dheeraaday ka sheekaynta waajibaadka iyo hawlaha ay Akdeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga u xilsaaran tahay, wuxuuna carabka ku dhuftay in AGA ay ka go’an tahay ilaalinta daryeelka, hal abuurka iyo horumarinta afka hooyo, isagoo u soo jeediyay ka qeyb galayaashii madashaasi inay gacan ka gaystaan dhowrista afka Soomaaliga.

Munaasabadaasi waxaa casharo ku saabsanaa adeegsiga Afka Soomaaliga ee dhanka waxbarashada iyo doorka ay saxaafaddu ka qaadan karto kobcinta afka Soomaaliga ka soo jeediyay Cali C/lle Xasan oo ka socday Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare iyo Gudoomiye ku xigeenka NUSOJ Muxyadiin Xusni, sidoo kale waxaa madashaasi iyana ka hadlay Afhayeenka Golaha Aqoonyahanada Koonfurta Soomaaliya Fowsi Cabdi Nuuur iyo masuuliyiin kale oo ku hadlayay magaca ururada bulshada Goboladaasi.

Kulan aqooneedka oo  maanta ka dhacay Magalaada Baydhabo ayaa qeyb ka ah  kulamo iyo tababaro loogu tala galay sidii bulshada Soomaaliyeed loogu buraarujin lahaa daryeelka afka Soomaaliga.

14639831_1005029526289595_7190202731354239629_n 14680710_1005031182956096_3983914188166263284_n 14721453_1005029199622961_1117612073105320109_n-1 14732304_1005031032956111_313201223561256019_n

Like it? Share it!