Baydhabo iyo Kismayaao oo maanta lagu dooranaya xubnaha aqalka hoose oo uu kujiro guddoomiye Jawaari

by Hassan Ali | Tuesday, Nov 8, 2016 | 134 views

8,November,2016(SofoNews) Wararka ka imaanaya magaalooyinka Baydhaba iyo Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta ka  soconayaan doorashooyinka Aqalka Hoose ee Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo ammaanka magaalooyinkaasina si weyn loo adkeeyey.

Guddiyada doorashooyinka  ayaa sheegaya in saddexda maalmood ee soo socota la qaban doono doorashooyinka ilaa iyo 23-kursi, kuwaas oo 8-da kursi ee ugu horreysa doorashadooda maanta la qabanayo.

Tirada guud ee kuraasta Aqalka Hoose ee xubnaha ka imaanaya K/galbeed ayaa ah 69 kursi.

Dhinaca kale, wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maanta loo tartami doono 7 kursi, iyadoo si weynna loo adkeeyey ammaanka magaalada. Waxaana tirade guud kuraasta Aqalka hoose xunaha ka imaanaya dowlad goboleedka Jubbaland ay yihiin 43-kursi.

Like it? Share it!

Leave A Response