Barlamanka Galmudug oo waqtiga fasaxay loo kordhiyay.

by Hassan Ali | Saturday, Jan 7, 2017 | 157 views

7,January,2017(SofoNews) Cali Gacal Casir guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo shir jaraa’id ku qabtay magalaada Muqdisho ayaa sheegay in muddo 45 cisho uu ugu kordhiyay  Xildhibanada maamulka Galmudug, isagoo tilmamay in uu soo dhamaday fasixii ay horey u heysteen.

Cali Gacal Casir ayaa intaas ku daray in sababaha uu waqtiga ay ugu kordhiyay ay tahay in dalka hadda uu galayo marxalad doorasho iyo abaaraha ka jira deegaanada Mamulka Galmudug sababtaasna ay tahay in uu mudho kordhin u sameeyo mudanayaasha sida uu qabo dastuurka Mamulkaasi.

Guddomiya Baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale Xildhibanada iyo qeybaha kala duwan ee mamulka Galmudug ugu baaqay in kaalin muuqata ay ka qaataan sidii dadka ay abaaruhu sameyeen loo samatabixi lahaa.

Hadalka guddoonka baarlamanka Galmudug ayaa u muuqda mid daba socoda arrimaha siyaasadda maadaama baarlamanka Galmudug uusan keligiisa shaqeyn Karin, oo dalkuna ay ka socoto doorasho ayadoo xildhibaanada lasheegey in taasi bedelkeeda ay ka qeyb galayaan gurmadka abaaraha iyo doorashooyinka

Like it? Share it!

Leave A Response