Banaan baxyo roob doon ah oo ka socoda Muqdisho iyo gobolada dalka

by Hassan Ali | Monday, Nov 14, 2016 | 244 views

14,November,2016(SofoNews) Wadooyinka magalaad Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobolada dalka  ayaa waxaa maanta ka dhacay Banaan bax Roob Doon Alle  kaasoo Alle looga baryayo inuu nimcadiisa iyo in uu ka dulqaado abaarta ka jirta qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Mas’uuliyiinta wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horeyu  iclaamiyay banaan baxani   roob doonka ah dhaco iyadoo la fasaxay Dugsiyada iyo iskuulada ku yaala degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dadweyne aad u farabadan ayaa isugu soo baxay Barxada Taalada Sayidka  iyadoo salaad roob doon ah lagu dukan doono Masaajidka Isbaheysiga Islaamka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo Culumaa’udiin ayaa lagu wadaa inay ka hadlaan banaan baxa roob doonka ah.

Culumaa’udiinka ayaa u duceynaya shacabka Soomaaliyeed, iyagoo Alle ka baryi doona inuu ka dulqaado dhibaatada abaaraha, isla markaana umadiisa qaboojiyo Roobna u keeno.

Abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ayaa ka jira deegaano ka tirsan Soomaaliya, waxaana abaarta ugu daran ka taagan tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland, halkaaso dad iyo duunyo ay u dhinteen haraad iyo gaajo

 

Like it? Share it!

Leave A Response