Baarlamanka Swedan oo u yeerey safiirka Soomaaliya dalkaasi

by Hassan Ali | Sunday, Feb 5, 2017 | 98 views

5,february,2017(SofoNews)Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden danjire Cawaale Cali Kulane ayaa kulamo muhiim ah la qaatay xubno ka tirsan baarlamaanka Dalka Sweden iyo madaxda magaalada Stockholm ka dib markii uu casuumaad ka helay.

Danjire Cawaale Cali kulane ayaa  waxaa ku so dhaweeyey xarunta Baarlamaanka dalka Sweden xubno ka tirsan Baarlaamaanka Sweden oo uu horkacaayo Anders Österberg oo ka tirsan gudiga arimaha dibada,   waxaana  xildhibaanada kulankan ka qeybgalay ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin  in 27sano  ka dib in uu  Sweden yimaado Safiir Soomaaliyeed oo sii xoojin doono xiriirka labada.

 

Danjire Cawaale  oo ay wehliyeen xubno  Soomaali ah oo ka tirsan golaha deegaanak magaalada Stockholm  ayaa lagu soo wareejiyey  qeybaha kala duwan ee baarlamaanka dalka Sweden, iyada oo intaasi ka dibna loo dhaaqaaqay aqalka looga arimiyo magaalada Stockholm waxaana danjire Cawaale Cali kulane ku soo dhaweeyey  gudoomiyaha golaha deegaanka  magaalada Stockholm  Eva-Louise  iyada oo muujisay in magaalada Stockholm ay mar kale farxad u tahay in ay  soo dhaweyso safiir Soomaaliyeed mudo dheerna ay sugayeen.

Safiirka Soomaaliya ee  wadanka Sweden mudane Cawaale Cali Kulane  ayaa ka mahadceliyey  sida diiran ee loogu soo dhaweeyey xarunta baarlamaanka dalka Sweden iyo aqalka  magaalada Stockholm,  waxa uuna sheegay in kulamadani ay bilow u yihiin  amba qaadka  xoojinta xiriirka labada dal.

Danjire  Cawaale Cali kulane oo ka mid ahaa wafdigii  Soomaaliya ee goob jooga ka ahaa dacwadii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya  ayaa sheegay in  go’aanka maxkamada uu aha guul  u soo hoyatay ummada Soomaaliyeed, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey dacwadaasi dhamaadkeeda in ay noqoto mid loo wada riyaaqo insha allah.

Like it? Share it!

Leave A Response