Baarlamanka Soomaaliya oo horyaala mowshin ka dhan ah isku dhafka ciidamada

by Hassan Ali | Tuesday, Apr 25, 2017 | 133 views

25,April,2017(SofoNews) Mowshinkani oo loo gudbiyay baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa soo diyaariyay Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo  looga horjeedo dhismaha Ciidamada ee loo dhisayo qaab goboleedyada u gudbiyay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddigaasi Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in dhismaha ciidamada aanay aheyn isku dhafkii la rabay, ayna u muuqdaan mid muujineysa qaab lagu dhisayo ciidamo goboleedyo.

Nuxurka mowshinka ayaa ah sidii loo difaaci lahaa waxkasta oo dhibaato u jeeni kara awoodda wasaaradda difaaca iyo tan ciidanka xooga dalka.

Waxaa uu dhaliilay war murtiyeedkii ka soo baxay todobaadkii hore shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee in la dhiso 18-kun oo askari, oo min 3,000 askari looga keenayo maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in arrintan ay tahay mid ka hor imaaneysa jiritaanka ciidamada xoogga dalka oo leh hal talis, sida uu hadalka u dhigay.

Shirka London ka dhici doona bisha soo socota ee May ayaa looga hadlayaa arrimaha dhismaha ciidamada, iyadoo durbaba qubaro iyo siyaasiyiin ka digayaan in la meel mariyo qorshaha lagu dhisayo Ciidamo goboleedyo, taasoo ka hor imaaneysa dhismaha Ciidamo qaran, ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

 

 

Like it? Share it!