Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyay qaraar loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyen

by Hassan Ali | Saturday, Mar 18, 2017 | 92 views

17,March,2017(SofoNews) Kadib kulan maanta ay ku yeeshen magaalaad Muqdisho Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku meel mariyey Qarraar ku aadan gurmadka Abaaraha dalka, kaasi oo mudooyinkan ay ka doodayeen Xildhibaannada.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka uga war bixiyey kulan ay Guddoonka Golaha Shacabka la qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’isulwasaaraha kaasi oo ku aadanaa xoojinta Gurmadka Abaaraha Dalka ayadoo Jaalleyaasha Golaha Shacabkana ay ka qeyb qaadanayaan .
Doodda iyo ku biirinta tallooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka kadib waxaa qarraarka lagu meel amriyey codeyn gacan taag aheyd waxaana natiijada ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo shirka Guddoominayey.
Ka sokoow meel marinta qarraarka gurmadka Abaaraha Dalka waxa ay Xildhibaannada Golaha Shacabku qaateen kulan ay si hoose ugu eegayeen xaaladda Dalka kaasi oo ay saxaafaddu dibad joog ka aheyd.
Dhaawan aya xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya waxay ka doodeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen howlaha gurmadka abaaraha ee ka socoda dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response