Baarlamanka labada aqal oo maanta la dhaariyaya iyo guddoon ay doorteen

by Hassan Ali | Tuesday, Dec 27, 2016 | 178 views

27,December,2016(Sofonews) Magalada Muqdisho ayaa manata waxaa lagu dhaariyay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayadoo munaasabadaasi ay goob joog ahaayeen guddoomiyaha baarlamanka iyo raiiusl wasaaraha oo ka mid ah xildhibaanada cusub.

Fahdiga maanta ee dhaarinta ayaa xildhibaanadii soo xaadiray waxaa kamid ahaa

  • 243 oo ah ka ka mid ah aqalka hoose ee Baarlamaanka.
  • 41 Xildhibaan oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka.

Amaanka magalaad Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyey waxaana la arkayaya ciidamada amaanka oo ku sugan isgoysyada iyo goobaha kale ee muhiimka ah si ay u sugaan amniga.

Intii munaasabadda ay socotay waxaa waxaa la maqlayay dhawaqa hoobiyaal lalal beegsanayaya goobta munaasabadaasi ay ka socotay.

Balse majirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha maanaka eek u aadan wax qasaaro ah oo halkaasi ka dhashay.

Dhawaan waxaa lafilayaa in ay dhacaan doorashada guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamanka Soomaliya ayadoo dabayaaqada bisha January ay dhicidoonto doorashada madaxweynaha.

Like it? Share it!