baarlamanka K/Africa oo kuraasta isla dhacay

by Hassan Ali | Friday, Feb 10, 2017 | 104 views

10,February,2017(SofoNews) Kadib kulan ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Koonfur Afrika aya soo kala dhexgalay qilaaf dhanka siyaasadda ah taasi oo sababtay in ay kuraasta ay isla dhacaan.

Arrintani aya soo ifbaxday kadib markii dhanka mucaaradka ay diideen khudbad uu baarlamanka u jeedin lahaa madaxweyne Jacobzuma.

Xildhibaanada mucaaradka ee Xisbiga EFF ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Zuma inuu yahay nin tuug ah, iyagoo ugu baaqay inuu is casilo arrintaasi  oo in muddo ah ka taagnayd dalka Koonfur Africa.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka EFF, Julius Malema ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Zuma inuu yahay nin aan la sixi karin oo deg degaya, isla markaana ay la degtay musuq maasuq iyo nin jecleysi.

Sidoo kale Xisbiga talada haya ee ANC ayaa iyana ku qeylinayay halku dhigyo ay ku taageerayaan xisbigooda, iyadoo guddoomiyaha baarlamanaka ay dhowr jeer isku dayday inay dejiso Xildhibaanada, balse uma suura gelin.

Boqolaal askarta nabad geliyada ah ayaa lagu soo waramaya in ay galeen xarunta baarlamanka ayagoo banaan u soo saarayay xubnaha mucaaradka ku aha madaxweynaha.

Like it? Share it!

Leave A Response