Baarlamanka HirShabeele oo horyaala mowshin ka dhan ah golaha wasiirada

by Hassan Ali | Saturday, Mar 11, 2017 | 89 views

11,March,2017(sofoNews) Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeele ayaa waxaa ka dhacay kulan uu yeelanayo baarlamanka maamulkaasi kaasi oo lahadal hayo in lagu soo bandhigi doono mowshin ka dhan ah golaha wasiirada dhawaan uu magacabay madaxweyne Cosoble.
Qaar ka mid ah xildhibaanada Hirshabeelle ayaa u gudbiyay shir guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle mooshin ay ugaga soo horjeedaan golaha wasiirada dowlada Hirshabeelle ee uu dhowaan ku dhowaaqay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble.
Sidoo kale golaha wasiirada ayaa waxa ay ka doodayaan xeer hoosaadka baarlamaanka waxana jira sidoo kale khilaaf ka taagan qoddobo ka mid ah xeer hoosaadka sida qodob sheegaya in laga keeni karo mooshin xildhibaanka.
Madaxweynaha Hirshabeele ayaa shalay gaaray magaalada Jowhar ayadoo uu maalmahan uu safaro shaqo uu ku joogay magalaad Muqdisho.
Dhawaan baarlamanka HirShabeele ayaa sheegey in xal laga gaaray xilaaf ka dhextaagnaa maamulkaasi kaasi oo salka ku hayay magacaabista golaha wasiirda

Like it? Share it!

Leave A Response