Baadi goob loogu jiro ragii dilay afhayeenka booliska Yugandha

by Hassan Ali | Friday, Mar 17, 2017 | 117 views

17,March,2017(sofoNews) Sida ay sheeciyeen saraakiil katirsan booliska dalka Yugandha, Afhayeenkii ciidanka Booliska dalka Ugandha Andrew Felix Kaweesi ayaa lagu dilay magaalada Kambala ee caasimada dalkaas.
Majiraan ilaa iyo haatan cadaymo muujinaya cidda dishey Andrew Felix Kaweesi waxaana lagu dilay meel ku dhow hoygiisa ka dib markii gaari uu la socday lagu furay rasaas arxan la’aan ah.
Lamaaha amanak Yugandha ayaa tilmaamay in Kooxaha weerarka geystay ay baxsadeen, waxaana la dhintay afhayeenka darawalkiisa iyo dad kale oo la saarnaa gaarigiisa.
Howlgalo baaritaano ah oo ay wadaan ciidamada amaanka yaa weli soconaya ayadoo aan weli la sheegin wax natiijo ah laga gaaray baadi goobka loogu jira kooxihii falkaasi ka dambeeyey.
Wadnka Yugandha ayaa muddooyinka waxaa kajiray qulqulatooyin dhanka siyaasadda ayadoo ay kajiraan kooxo falaago ah oo dowladda ku kacsan.

Like it? Share it!

Leave A Response