Baadi goob loogu jiro kooxo dil ka geystay Muqdisho

by Hassan Ali | Friday, Feb 3, 2017 | 164 views

3,February,2017(SofoNews) Howlgalkani oo ay wadaan ciidamada amaanka degmada Yaaq-Shiid ee magaalaada amUqdisho ayaa ujeedkoodu yahay baadi goob loogu jiro kooxo xalay nin ganacsade ah ku dilay degmadaasi.

Goob joogayaal aya sheegeya in la arkayo ciidamo aad u faraban oo xaafadaha kaladuwan ee degmadaasi ka sameynaya baaritaano ku aadan dilka ganacsade Cismaan Tiirey.

ay Alle ha u Naxariistee rag deblay ah ayaa degmada Yaaqshiid dil ugu geystye  Ganacsade Caan ka ah Magaalada Muqdisho oo Lagu Magacaabi jiray Cismaan Tiireey.

Falka dilka ah ayaa ka dhacay Masaajidka Dabaqeynka ee Degmada Yaaqshiid taasi oo cabsi ku abuurtya dadka deegaanka, mana cadda sabaabta ka dambeysa dilkiisa.

Dilalka qorsheysan oo ka dhacya amagaalaad Muqdisho mahana kuwo ku cusub dhagah shacabka Muqdisho, waxaana bar bar socoda qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah.

Like it? Share it!

Leave A Response