Baadi goob loogu jiro askari Kismaayo ku dilay askari kale

by Hassan Ali | Tuesday, Jan 17, 2017 | 149 views

17,January,2017SofoNews) Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa wada howlagalo ay ku baadi gobayaan askari katirsan ciidankaasi oo askari ka dil ugu geystey magaaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Wararka aanu ka heleyno  Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada Jubbaland uu Magaalada ku dhex dilay Askari kale oo asna ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Askariga la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Muqtaar Cabdi Afeey.

Askariga Dilka geystay ayaa ka baxsaday Goobtii uu ku dilay Askariga kale,waxaana Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ay sheegeen in ay wadaan Baaritaano lagu soo qabanayo.

Inkastoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo askari Soomaali ah uu dilo askari kale ayaa hadana intabadan waxaa lala xiriirinayaa aargoosi, ismaandhaaf iyo arrimo kuwaasi lamid ah ah.

Illaa hadda ma jirto Cid sheegtay Sababta ka dambeysa ee Askariga uu u dilay Askariga kale.

Xaafadaha magalaadaasi Kismaayo ayaa waxaa ka soconaya howlgalo lagu baadi goobayo askarigaasi ayadoo saraakiishu ay xuseen in ay gacanta ku soo dhigi doonaan si sharciga loo hor geeyo.

 

 

Like it? Share it!