Awaamiir uu madaxweyne Farmaajo uu faray saraakiisha oo ladhaqan gelinayo

by Hassan Ali | Saturday, Mar 11, 2017 | 134 views

10,March,2017(SofoNews) Kadib markii dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu ku canaantay saraakiisha amaanka falalka amnidaro ee ka dhacaya dalka ayaa waxaa soconaya dadaalo ku aadan sidii loo xasilin lahaa amniga.
Saraakiisha ciidamada amaanka magaalaad Muqdisho ayaa waxaa ay soo saareen awaamiir horleh oo ku saabsan sudigga amniga magaalada Muqdisho oo muddooyinkan dambe ay ka dhacayeen dilal kaladuwan.
Taliska booliska gobolka Banaadir ayaa sheegey in Magaalada Muqdisho aan lagu Dhex arki karin Gawaarida aan lahayn Taargada isagoona Sheegay in Cidii lagu Arko Gaarigiisa oo an lahayn wax taarga ah ay u qaadan Doonaan in amni Darada uu qeyb kayahay.
Col. Bishaar Abshir Geeddi Taliyaha Booliska Gobolka Bnaaadir ayaa sheegay in cid kasta oo u hoggaansami weydo amaradaas ay sharciga hor keeni doonaan.
Waxaana uu sidoo kale Dalbaday in Ciidamada aan Shaqada ku lahyn Amniga Muqdisho laga Saro Gudaha Muqdisho Laguna Xareeyo Xerooyinka ku yaala Duleedka Muqdisho.
Inta Badan waxaa Magaalada Muqdisho Habeenadaan ka Dhaca Dilal ay Geystaan Kooxo Ku hubeysan Bastoolada Taasi oo aan illaa Hada jirin Ciidamada Booliska Cid ay u soo qabteen.
Hadaladan ka soo yeeraya laamaha amaanka ayaa imaanaya ayadoo madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu dhawaan ku amray saraakiisha ciidamada amaanka in ay ka hortagaan falalka amni daro ama ay xilalka ka degaan.

Like it? Share it!