Askari katirsanaa ciidankaKoonfur Galbeed oo xukun dil ah lagu fuliyay.

by Hassan Ali | Tuesday, Nov 8, 2016 | 140 views

8,November,2016(SofoNews) Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida qeybteeda 60-aad ayaa saakay xukun dil ah ku riday Askari ka tirsanaa ciidanka daraawiishta ee dowlad-goboleedka Kaapnfur Galbeed, kaasoo nin shacab ah ku dilay magaalada Buur Hakaba ee gobolka Bay.

Xukunka oo ka dhacay magaalada Baydhaba ayaa waxaa ku dhawaaqay G/le Aadan Abuukar Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida qeybteeda 60-aad.

Askariga dilka lagu xukumay ayaa lagaa magacaabaa Cali Boorow Maxamed, wuxuuna falkan dilka ah u geystay marxuum lagu magacaabi jiray Qaasimo Caddow Xaaji Keyrow 10-10-2016, isagoo laba carruur ah uu dhalayna uu dhaawacay.

Xukunka maanta dhacay ayaa waxaa soo dhoweeyey ehellada Marxuumka iyo Maamulka Koonfur-galbeed, taasoo ah sii xoojineysa sharciga iyo kala dambeynta.

 

Like it? Share it!

Leave A Response