Askar Soomaali oo qaba dhaawacyo kala duwan oo Sucuudiga la gaarsiyay

by Hassan Ali | Tuesday, Oct 25, 2016 | 149 views

25,October,2016(SofoNews) Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo muddooyinkaan ku sugnaa cisbitaalda magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Sacuudiga Carabiya oo ay ka heleen gar gaar caafimaad.

Ciidamadaan oo gaaraya 16-askari,ayaa warku intaa ku daray in ay qabaan dhaawacyo kala duwan,kadib markii ay ka qeybgaleen dagaallo ka dhan ah  Al-shabaab,halka qaar kale uu dhaawac ka soo gaaray qaraxyo kale.

Maalinimadii shalay ciidamadaasi bukaanka ah waxaa  Garoonka Diyaaradda ee Aadan Cadde ka qaaday diyaarad  qaar ah oo Dowladda Sacuudiga ay u soo dirtay si dalkaas ay uga helaan daaweyn samofal ah

Ciidamadani ayaa in mudo ah kujiray isbitaalada magalaada Muqdisho ayagoo xaaladoodi caafimaad dalka wax looga qaban wayay, waxaa si doo kale jira askar kale oo weli isbitaalada kujirta.

Weerarada alshabaab ay ka geysanayaan magalada Muqdisho ayaa dadka waxyeelada ka soo gaartay u badan shacab iyo askarta dowladda, balse hadal haynta ayaa ah in inta badan askartu aanay daryeela wanaagsan helin xiliyada qaar.

Like it? Share it!