Askar gadoodsan oo Jowhar iyo Balcad xarumo kula wareegay

by Hassan Ali | Tuesday, Dec 20, 2016 | 179 views

20,December,2016(SofoNews) Ilo wareedyo ay heleyso SomaliaFocus ayaa sheegaya in Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ay maanta la wareegeen  koontaroolo lagu qaado canshuurta oo ku yaalla inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

WSida ay sheegayaan wararka ciidamadan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo bilooyin ah, iyadoo la wareegay Koontaroolada deegaanada Qalimow, Garsaale iyo Ceelka Geellow oo ah goobo lagu qaado canshuurta gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho illaa gobolada dalka.

Waxaana Wararku ay  sheegayaan  in ciidamadan ay qaateen lacago maamulka Hirshabeelle uu canshuur ahaan uga qaaday gaadiidka, lama oga inta ay la ekeyd lacagtaas.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay aanay wax mushaar ah qaadan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo kan gobolka ayaa dadaal ugu jira in ciidamada dib loogu celiyo xeryahoodi.

 

Like it? Share it!