Ardayda Soomaaliyeed ee K/Africa oo culeys soo food saaray

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 15, 2017 | 94 views

15,March,2017(SofoNews) Jaaliyada Soomaalida ee ku nool gobolka Limpopo ee dhaca xadka wadanka South Africa uu la leeyahay Zimbabwe ayaa walaac xoogan ka muujiyay warqado digniin ah oo kasoo baxay schoolada dowlada South Africa ee ku leedahay gobolkaasi kuwaa oo ku saabsanaa in caruurta aan heysan passport ama ID South Africaan ama midka dalka ay dhasheen laga saari doono goobaha waxbarashada mudada saddaxda bilood ah ee soo socota.
Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee gobolkaasi Daahir Xasan Hilowle ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ku dhawaad boqol caruur Soomaali ah ay dhici karto in schoolada laga saaro saddaxda bilood ee socota hadii aysan waalidiintooda buuxin sharuudahaasi.
“Arintaan runtii waxaa ay nagu noqotay caqabad weyn ilaa 100 arday oo soomaali ah ayaa laga yaaba in ay saameyn ku yeelato kuwaa oo dhigta schoolada ku yaala gobolkaan Limpopo”

Najmo Xasan waa ardayad dhigta dugsiga Sare ee gobolkaasi waxaa ay warbaahinta qaranka u sheegtay dareenkeeda markii fasalkii ay fadhisay laga soo dhax saaray loona sheegay in laga doonayo warqadahaasi hadii kale schoolka aysan imaan doonin.
“Waxaan dareemay in aan ruux kale ahay waxaan isku heystay qof South Africaan ah Maadaama halkaan ku dhashay balse aniga ma istaagin meel aan raacana waan waayay lakiin waa la i soo saarayaa hadii magac yada la aqriyo”
Yusra Maxamed iyo Hooyo Xaawo oo ka mid ah waalidiinta Soomaalida ee gobolkaasi ku nool ayaa dhankooda walaac ka muujiyay arintaani.
“Waxaa ay nafu noqotay naxdin iyo amagaag in caruurteena schoolka laga soo saara la dhaho maxaa yeelay maba heysano wax kale oo aan adeegsano hada”
“Warqado Qaxooti ah ayaa dalkaan ku joognaa lakiin hadii hada nala dhaho passport la imaada waa dhib kale oo ay wajahi doonaan waalidiinta “
Gudoomiyaha Guddiga midnimo 2 ee Soomaalida South Africa Dr Maxamed C/laahi Ayaa warbaahinta u sheegay in ay la kulmeen hey’ada UNHCR isla markaana ay kala hadleen walaaca ay qabana Soomaalida waxaana ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in cabashadooda loo gudbiyo wasaarada waxbarashada South Africa.
“Waxaan la kulany Hey’ada UNHCR waxaan u gudbinay warqadii nala soo diray iyo cabashadeena anaga oo sido kale u sheegay walaaca ay qabaan jaaliyada waxaana ay noo balan qaadeen in ay wax na kala qaban doonaan arintaan”
Markii ay kasoo laabteen kulankaasi gaarigii ay wateen uu kala baxay wadada isla markaana uu ka dhacay dhacay buundo weyn balse alle uu badbaadiyay mana jiraan wax qasaare naf ah oo gaaray marka laga reebo gaarigii ay wateen oo intiisa badan bur buray.

Like it? Share it!

Leave A Response