Aqalka sare ee HirShabeele oo maant ala doranayo

by Hassan Ali | Monday, Nov 7, 2016 | 163 views

7,November,2016(SofoNews) Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in doorashada xubnaha Aqalka sare ee Maamulka Hirshabeelle ay maanta ka dhacayso magaalaad Jowhar  lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Bare ayaa sheegay in maanta la dooran doono Xubnaha Aqalka sare, iyadoo gelinka hore ee maanta la dhageysanayo khudbadaha Musharaxiinta.

Cismaan Barre ayaa yiri “Maanta Afar saac ayay soo xaadirayaan Xildhibaanada, 5-saac ayaa la dhageysanayaa khudbadaha Musharaxiinta, 10-saac ama bacdal Casir waxaa bilaabaneysa doorashada”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Waa doorashadii ugu horeysay ee maamulka HIrShabeele ayadoo maamulada kale ay kuguda jiraan doorashada xubnaha aqalka hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response