Aqalka madaxtooyadda Villa Soomaaliya oo wadda qorshe cusub oo dhanka warbaahinta ah

by Hassan Ali | Monday, Apr 3, 2017 | 62 views

3,April,2017(SofoNews) Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii u horeysay yeelan doonta Wariye gaar ah oo aan ka howl gelin Warbaahinta dowladda, iyadoo Wariyahan si gaar ah uga soo warami doono arrimaha Madaxtooyada iyo Safarada Madaxweynaha ku tagayo dalalka dibadda.
Ilo wareedyoku dhow dhow xafiiska warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegayaa in uu socodo qorshe ku aadan sidii wariye gaar ah loogu sameyn lahaa wararka madaxtooyada , waxaana la hadal hayaa in wariye aan horey uga howlgalin warbaahinta qaranka uu halkaasi ka shaqo bilaabayo.
Arrimahan ayaa soo ifbaxay kadib markii ay soo bexeen qaladoodyo la sheegey in ay ka dheceen qeybta warbaahinta ee madaxtooyada.
Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda ayaa leh Wariye uga soo warama Xafiisyada hey’adaha dowladda, iyadoo Madaxda dalka ay Wariyeyaal ka tirsan wrabaahinta dowladda u raacaan safarada ay dibadda ku tagaan.
Sidoo kale haddii tallaabadan suurta gasho ayaa waxay noqoneysa in laga maarmi doono Wariye ka tirsan SNTV oo wixii hada ka dambeeya ka soo warama Madaxtooyada.
Nidaamka shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa ah nin aan hey’adaha dowladda ka shaqeyn ama soo marin shuruudihii shaqaaleysiinta aanu ka shaqeyn karin Xafiisyada dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response