Amisom oo lagu wareejiyay amniga doorashooyinka Cadaado

by Hassan Ali | Tuesday, Oct 25, 2016 | 131 views

25,October,2016(SofoNews) Ayadoo Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ay ka soconayaan dhaq dhaqaaqyo la xiriira doorashooyinka ayaa amaanka magalaadaasi siweyn loo dakeyeey.

Guutooyin katirsan ciidamada Amisom oo dhawaan gaaray magalada Cadaado ayaa lagu wareejiyay amaanka magaladaasi kuwaasi oo fariisimo ka sameystay qeybo kamid ah magaaladasi.
Ciidamadan oo ah kuwa si weyn u hubeesan ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Cadaado, waxaana la dajiyay saldhigyo loogu tala galay, waxaana sidoo kale la filayaa in dhawaan magaaladaasi gaaraan ciidamo kale oo katirsan AMISOM.

Taliyaha ciidamada AMISOM Jeneraal Cismaan Subagle ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM katirsan ee la geeyay magaalada Cadaado ay sugayaan amaanka Xarumaha muhuumka, waxa uuna tilmaamay in ciidankan ay la mid yihiin kuwa kale ee ka howlgala gobolada dalka.

Magaalada Cadaado iyo magaalooyin kale oo dalka kuyaala waxaa ka socda diyaargarow xoogan oo loogu jiro in ay ka dhacaan doorashooyinka xubnaha aqalka hoose, waxaana sugitaanka amaanka xarumahaasi ka qeyb qaadan doona Ciidamada AMISOM.

Like it? Share it!