Amisom oo dalbanaysa ciidamo dheeraad ah xili Burundi ay hanjabayso

by Hassan Ali | Tuesday, Jan 17, 2017 | 113 views

17,January,2017(SofoNews) Ayadoo wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in dowladda Burundi ay ciidankeedi kala baxayso Soomaaliya ayaa hadana Danjiraha  Midawga Afrika ee Soomaaliya wuxuu sheegey  in AMISOM ay u baahan tahay Ciidamo dheeraad ah,Maadaama ay jiraan Dalal ka mid ah Howlgalka oo ku Hanjabay in Ciidankooda ay kala baxayaan Soomaaliya.

Danjire Ambassador Francisco Madeira ayaa xusay in AMISOM ay ka Go’an tahay Garab istaagga Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeed islamarkaana aysan dhici doonin in AMISOM ay Dayacdo Amaanka shacabka Soomaaliyeed oo Xilli kasta ay garab taagan yihiin.

Wakiilka midopwga Africa ayaa Waxaa uu sheegay in hoos u dhac uu ku imaan doono ciidanka AMISOM ee Joogga Soomaaliya ,madaam ay suurta gal tahay in dowladdo badan ay kala baxaan dalka Soomaaliya ciidamada ka joogga sidaas darteedna loo baahan yahay in AMISOM lagu soo kordhiyo ku dhawaad 9000 kun oo Askari.

War ka soo baxay madaxtooyada Burindi ayaa lagu sheegey in Madaxweynaha Burundi uu  ku Amray Saraashiisha Ciidankiisa in ay bilaabaan soo daad-gureynta Ciidanka ka jooga Soomaaliya oo lagu sheegay in ay dhan yihiin 5,400 oo Askari.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo Soomaaliya aya doorashooyin ka dhacayaan islamarkaana baahiyo loo qabo dhanka amniga ay jiraan, horey ayaa loo qorsheyeeye in 2017 ciidamada Soomaalida ay la wareegaan amniga dalka balse ma muuqdaan ififaalooyin ku aadan suuro galnimada arrinkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response