AMISOM: Ciidamo hor leh ayaa la geynayaa goobaha lagu codeynayo ee doorashooyinka

by admin | Wednesday, Oct 26, 2016 | 135 views

26 Oct 2016 (SofoNews) – AMISOM ayaa sheegaysa in ciidamo dheeraad ah oo u badan saraakiil ay u daabushay deegaanada ay ka dhacayso doorashada sida Cadaado iyo Jowhar. Waxay sheegeen in ay caawinayaan howlaha doorasho ee dhacaya.

Francis Aryee, oo qaabilsan dhanka xiriirka iyo horumarka mashaarciida la xiriira ayaa sheegay in saraakiisha la daad gureeyay ay la shqeyndoonaan saraakiisha soomaalida si sare loogu qaado feejignaanta iyo sugidda amaanka.

 

 

Magaalada Cadaado oo haatan xarun kumeel gaar ah u ah maamulka Galmudug ayaa kamid ah halka haatan ay ku suganyihiin saraakiishan.

Waxaa la filayaa in xubnaha sharci dejinta ee dalka la doorto kaddibna ay doortaan madaxweyne Nov 30 halkaasi oo lagu soo afjaridoono howlaha doorasho.

 

Like it? Share it!