Alshababa oo xalay weerar ku soo qaaday xarunta wasaaradda Gaashaandhiga Muqdisho

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 21, 2017 | 87 views

Habeenimadii xalay ayaa iska hor imaad u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubaysan waxaa uu ka dhacay degmada Deuniile ee gobolkan Banadir.
Iska hor imaadka ayaa ka dambeyeey markii rag hubeysan oo katirsan ururka Alshabaab ay hujuumaad ku soo qaadeen xarunta wasaaradda difaaca Soomaaliya oo ku taala degmada Deyniile ee magaalaada Muqdisho.
Axmed Nuur Cabdi Siyaad guddoomiyaha degmada Dayniile oo faah faahin kabixiyay weerarkaasi ayaa sheeegey in kooxo hubaysan ay weerarka soo qaadeen balse ma uusan sheegin wax qasaare ah oo halkaasi ka dhashey.
Ciidamada xooga oo kusugan wasaradda gaashaandhigga ayaa la sheegey in ay howlgalo ka wadaan goobihii weerarka ay kooxahasi ka soo abaabuleen.
Degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhacay weeraro ay soo qaadan Alshabaab ayadoo la aaminsanyahay in halkasi ay thay marin muhiim ah oo u sahlan Shabaab in ay weeraro ka soo abaabulaan.

Like it? Share it!

Leave A Response