Alshababa oo lagu duqeyay Jubbooyinka

by Hassan Ali | Saturday, Feb 25, 2017 | 83 views

25,February,2017(SofoNews) Warar laga helayo Juboyinka ayaa sheegaya in duqeymo qasare dhaliyaay Alshabaab loogu geystay deegaano hoostaga magaalaad Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday Haawinaa oo dhaca duleedka Kismaayo aya wararku waxay sheegayaan in lala eegtay saldhig ay Alshabaaba ku lahaayeen halkaasi.
Lama oga khasaaraha ay geysteen duqeymahan, sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland oo ku aadan duqeyntan oo dhowr jeer horay ka hadlay duqeymo ka dhacay deegaanada uu ka taliyo.
Duqeymo horay uga dhacay deegaano ka tirsan Jubadda Hoose oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa lagu qaarijiyay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Ciidamo Mareykan ah oo taageeraya kuwa Jubbaland iyo ciidanka Kenya ay weerarkaasi fuliyeen inkastoo aanay jirin ilaa iyo haatan cid ka hadashay weerarakaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response