Alshababa oo deegano katirsan Galmudug qabsaday

by Hassan Ali | Thursday, Feb 23, 2017 | 106 views

23,February,2017(SofoNews) Ururka Alshabaab ayaa Wararka waxay sheegayaan in ay duulaan ku qadeen deegano katirsan gobolka Mudug halkaasi oo maalmahan ay ka socodeen howlgalo ay wadeen ciidamada Galmudug.
Ilo wareedyo laga helayo Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Isgaarsiinta la jaray,waxaana Magaalada ka socda barakac ay sameynayaan dadka Shacabka kuwaasi oo u cararaya deegaano kala duwan.
Magaalada Cadaado ayaa kamid ah meelaha dadka soo barakacay ay soo gareenee sida uu SomaliaFocus u sheegey Cabdi Xasan Rooble oo ku sugan magaalada Cadaado
Al-shabaab ayaa la wareegay Degaanka Ceel-huur ee Gobolka Mudug,waxaana Cabsidu ay timid kadib markii Dadku ay ka baqeen in Shabaab ay Magaalada soo galaan.
Isgaarsiinta ayaa Go’an,waxaana wararku ay sheegayaan Al-shabaab ay jareen Isgaarsiinta Hobyo iyo Xarardheere.
Lama oga halka ay aadeen ciidamadii Galmudug oo maalmahan howlgalada ka wadaay deegaanadaasi tanina waxay muujinaysaa in Alshabaab ay sii kordhinayaan weerarada tan iyo markii hogaan cusub loo doortay dalka.

Like it? Share it!