Alshabab oo xukun dil ah ku fulisay askari katirsan K/Galbeed

by Hassan Ali | Friday, Mar 3, 2017 | 109 views

3,March,2017(SofoNews)Sida ay xaqiijinayaan goobjoogayaal ku sugan deegaanoa labaatan Jirow oo hoostaga magaalaad BAydhabo ee xarunta gobolka Bay’ Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka kaga fuliyay xukun dil ah askari ka tirsanaa ciidanka nabad sugida maamulka Koonfur Galbeed kaasi oo ay gacanta ku dhigeen Alshabaab.
Qofka xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Aadan Qaasim oo 37 jir ah kaasi oo sida dadka deegaanku ay sheegayaan dhowaan u gacan galay Al-shabaab isagoo ku sugnaa hareeraha magaalada Baydhabo.
Ninkan ayaa waxay Maxkamada Al-shabaab ku eedeysay inuu ahaa basaas u shaqeynayey sirdoonka dowlada Somalia iyo kuwa reer Galbeedka, waxayna ku xukuntay dilka lagu fuliyey.
Dadweyne ku nool degaanka Labaatan jirow oo ay isugu yeereen Al-shabaab ayaa goob joog ka ahaa fulinta xukunkaas toogashada ahaa oo dhacay shalay gelinkii dambe.
Al-shabaab ayaa horey uga fuliyey degaanada ay weli kaga sugan yihiin Soomaaliya xukun sidan oo kale oo lagu toogtay dagaalyahano kooxdaas ka tirsanaa iyo dad kale oo lagu eedeeyey iney basaasiin ahaayeen.
Dhanka kale waxaa qeybo kamid ah gobolada dalka ka soconaya howlgalodhan ah Alshabaab kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom

Like it? Share it!

Leave A Response