Alshabab oo dib u qabsaday Ceel-Buur iyo Itoobiyaan oo isaga baxay

by Hassan Ali | Monday, Apr 3, 2017 | 80 views

3,April,2017(SofoNews) Sida ay sheegayaan dadka deegaanka ciidamada militariga Itoobiya ayaa lagu soo waramaya in ay isaga bexeen Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa halkaasi oo la sheeegey in ay dib u qabsadeen Alshabab.
Guddoomiyaha maamulka Degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegey in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya isaga baxeen halkaasi , waxa uuna tilmaamay in ay ciidankaasi u ruqaansadeen dhinaca Degmada Dhuuso Mareeb.
Lama oga sababta arrintani ka dambeysa, Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa mudo sadex sano ah waxa ay maamulayeen Degmada Ceelbuur halkaas oo dadkii degnaa ay dhamaan isaga baxeen, waxaana kaliya degmadaasi kunoolaa Ciidamada Itoobiya iyo ciidamo tiro yar oo Soomaali ah.
Ururka Alshabaab ayaa lagu soo waramaya in 3 sano kadib markii ugu horeysay ay dib u qabsadeen degmadaasi ayadooo cabsi soo wajahday dadka deegaanadaasi kunool.
Inta badan ciidanka Itoobiya ayaa waxaa ay ka baxaan degmooyinka iyo deegaanada ay gacanta ku hayaan lamana oga sababta arrimahani ka dambeeya balse, waxaa dhacdaa in xoogaa kadib ay hadana dib u soo rogaal celiyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response