Alshabaab oo xoriyadooda siiyaay shaqaale gar gaar oo ay afduubteen

by Hassan Ali | Friday, Apr 7, 2017 | 127 views

7,April,2017(SofoNews) Sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka, ururka Alshababa ayaa lagu soo waramaya in ay dib ugu celiyeen xoriyadooda shaqaale ka shaqeynayaya arrimaha gar gaarka oo ka howlgali jirey deegaano katirsan gobolka Hiiraan.
Siideyntooda ayaa kadambeysay kadib markii in muddo ah ay afduub u haysteen Alshabaab, kuwaasi oo dhawaan laga afduubtay deegaan hostaga magaalaad Badalweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dadkan la sii daayay ayaa waxaa ay kala ahaayeen labo arday oo si mutadawacnimo ah ugu shaqeynayay hay’ada Cerelba,wadihii gaarigii ay la socdeen iyo kalkaaliye caafimaad.
Warar dheeraad ah ayaa sheegayaa in weli gacant ay ku hayan Alshabaab dhaqtar kamid ahaa dadkii ay afduubka u geysteen lamana oga sababta ka dambeysa arrintaasi.
Odayaasha dhaqanka ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay wada hadal kula yeelanayaan Shabaab, kaasi oo ku aadan sidii ay u soo deyn lahaayeen Dr. Xasan Madoobe balse lama saadaalin karo suuro galnimada arrintaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response