Alshabaab oo weerary Bangi ku yaala Mandheere Kenya

by Hassan Ali | Monday, Jan 23, 2017 | 134 views

23,January,2017(SofoNews) Laamaha amanaka dalka Kenya ayaa sheegey in Kooxo hubeesan ayxalay weerar ku qaadeen Bangi kuyaala magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, waxaana weerrakaasi lasoo sheegayaa in uu ka dhashay qasaaro dhimasho.

Wararaka yaa sheegeya in Inta la ogyahay hal askarti oo waardiyo ka ahaa Bangiga kuyaala magaalada Mandheera uu ku dhintay  weerarkaasi , waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday kooxihii hubeesnaa ee weerarkaasi ka dambeeyay.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan xalay ka dhacay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyio bari , waxaana horey magaaladaasi weeraro kala duwan uga geeystay Al Shabaab.

Dhanka kale dowladda Kenya ayaa ka hadashay weerarkaasi waxayna xusatay in ay soconayaan baaritaano k aadan weerarkaasi.

Inta badan Alshababa ayaa weerar ka geystay dalka Kenya aydoo dhowr jeer ay weeraro halkaasi ka dheceen.

Like it? Share it!

Leave A Response