Alshabaab oo qabsaday deegaan u dhow magalaad Baydhabo

by Hassan Ali | Sunday, Oct 30, 2016 | 143 views

30,Oct,2016(SofoNews) Tan iyo markii ciidamada Itoobiya ay bilaabeen in ay baneeyaan deegaano katirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa sii kordhayaya dhaqa dhaqaaqyada ay wadaan ururka Al-shabaab oo doonaya in ay dib u qabsadaan deegaanadii lagabaxay.

Sida SomaliaFocus ay ku heleyso,Wararkii ugu dambeyeey ee laga helayo gobolka Bay ayaa sheegaya in Alshabaab ay la wareegeen deegaanka Goof-Guduud oo qayaas ahaantii 20 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga began magalaadaasi Baydhabo.

Dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Shabaab ayaa lagu soo warramaya in uu ka dhacay halkaasi ayadoo shababa ay qabsadeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah ay halkaasi tageen balse ay u suuro gali waysay in ay halkaasi galaan.

Magalaad Baydhabo ayaa laga dareemayaa cabsi laga qabo in ay weerar ku soo qadaan Alshabaab sida ay goobjoogayala sheegayaan

Like it? Share it!