Alshabaab oo 4 qof ku dilay Jubbada Dhexe

by Hassan Ali | Monday, Feb 6, 2017 | 146 views

6,February,2017(SofoNews) Warar laga helayo gobolka Jubadda Dhexe ayaa sheegaya in ururka Alshabaaba ay Afar qof  ku Toogteen  Fagaare ku yaalla Degmada Jamaame ee Gobolkaasi Jubbada Hoose.

Axmed Cara boo ah afhayeenka laamaha amanaka Jubbaland ayaa sheegey in Afarta Nin ee ay Toogteen Shabaabku ayey ku Eedeeyeen in ay yihiin Basaasiin la shaqeya Dowladda Dhexe iyo Sirdoon Caalami ah isagoo xusay in taasi aanay waxba kajirin ayna ahaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Magacyada Afarta Qof ee ay Dileen ayey ku sheegeen  Siyaad Cali Cabdi 26 jir, C/laahi Cali Xasan 26 jir, Axmed Ibraahim Hire 28 jir iyo Yuusuf Makaraan Maxamed 58 jir.

Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya dhibaatooyinka ya geysanayaan kooxda Alshabaabb, ayadoo dhowr Jeer ayAl-shabaab dileen Dad ay ku Eedeeyeen in ay yihiin Basaasiin u shaqeeya Reer Galbeedka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Like it? Share it!