Al-Shabaab oo xalay weeraray magaalada Jowhar

by Hassan Ali | Wednesday, Jan 4, 2017 | 134 views

4,January,2017(SofoNews) Ilo wareedyo ya SomaliaFocus ka heleyso magalaad Jowhare ayaa ku warramaya in ururka Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen Kontoroolka Waqooyi ee Magaalada Jowhar.

Iska hor imaad u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka soo qaaday ayaa ka dhacay halkaasi inkastoo aan la sheegin ilaa iyo haatan wax qasaare ah oo halkaasi ka dhashay.

Shabaab ayaa Weerarka soo qaaday Sagaalkii Saac ee Habeennimo,waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Balse saraakiisha Ciidanka ku sugan Kontoroolka Waqooyi ee Magaalada Jowhar ee Xalay ay soo weerareen Shabaab ayaa sheegay in uusan jirin wax Khasaare ah oo ka soo gaaray Dagaalka.

Shabaab dhankooda weli kama hadlin Dagaalka ay ku soo qaadeen Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Jowhar waxaa hadda ka maqan Madaxda ugu sareysa Maamulka Hirshabelle oo kala ah Madaxweynaha,Madaxweyne Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Inta badan weerarara alshabaab ayaa noqday kuwo ku dhufo ka dhaqaaaq ah ayadoo meelo badan laga qabsaday, laakiise waxaa muuqata in weli ay wood muuqata ku leeyihiin meelo kamid ah gobolada dalka.

 

Like it? Share it!

Leave A Response