Al-Shabaab oo war cusub soo saaray, waxay soo duubeen Cod

by admin | Sunday, Feb 19, 2017 | 168 views

19 Feb 2017 (SofoNews) – Farriin Cod ah oo lagu baahiyey Warbaahinta Al-shabaab waxa uu Sheekh Xasan Yacquub oo kamid ah masuuliyiinta kooxdan ku xusay in madaxweynaha dhowaan la doortay ee Farmaajo uusan ka duwanayn kuwii isaga ka horeeyay sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu xusey mr. Yacquub in Farmaajo uu yahay muwaadin Mareykan ah oo loo soo diyaariyay si uu cadowga gacantooda u geliyo Dhulka Soomaaliyeed.

Fariintiisa waxaa uu ku sheegay in ay sii wadi doonaan la dagaalanka dowladda iyo ciidamada kusugan Soomaaliya ee taageeraya dowladda federaalka.

Hadalka al-shabaab ayaa ku soo beegamaya xilli Madaxweynaha dowladda federaalka kulan uu la qaatay saraakiisha AMISOM uu ku sheegay in uu doonayo in Al-shabaab dalka looga xoreeyo muddo kooban.

Like it? Share it!

Leave A Response