Al-Shabaab oo Madaafiic Ku Weeraray Ceel-Baraf iyo AMISOM oo ka Jawaabtay

by admin | Sunday, Nov 6, 2016 | 150 views

6 Nov 2016 (SofoNews) – Xoogagga al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay tiro madaafiic ah ku garaaceen Xarun ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka CeelBaraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Masuuliyinta dowladda ee deegaanka la weeraray ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaasi uu dhacay islamarkaasina kooxda al-shabaab ay qiyaastii 10 gantaal ku rideen saldhigga ciidamada Burundi ee Ceel-Baraf.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka hasee yeeshee waxaa jira weerar celin ay sameeyeen ciidamada Burundi oo iyaguna tuuray dhowr madaafiic oo laga maqlay magaalada.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli qaar kamid ah dadka deegaanku ay ku eedeeyeen al-shabaab in ay sumeeyeen ceel biyood ku yaalla deegaanka.

Xoogagga al-shabaab ayaa maalmahan sii kordhiyay weerarada ay ka fulinayaan magaalooyinka dhaca koonfurta, iyada oo meelaha qaar ay ka baxeen ciidamada Itoobiya.

 

Like it? Share it!

Leave A Response