Al-shabaab oo 3 qof ku dilay gobolka Bokool

by Hassan Ali | Tuesday, Jan 10, 2017 | 169 views

10,January,2017(SofoNews) Wararka ay SomaliaFocus ka heleyso gobolka Bokool ayaa sheegaya in ururka Alshabaab ay e qof ku dileen inta u dhexeysa degmooyinka Tiyeglow iyo Xudur ee gobolkaasi Bokool halkaasi oo uu ka taliyo maamulka dowladd goboleedka Koonfur Galbeed.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay dilkaasi iyo dadka waxay ahaayeen, Aadan Cabdi  Abaarey oo ah guddoomiye kuxigeenka degmada Xudur ayaa sheegey in 3 qof ee la dilay ay ahaayeen dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, balse Alshababa ayaa iyana sheegtay in 3 kamid ah askarta dowladda ay halkaaasi ki dileen, mana jiraan warar ka badax banana labada dhinac.

Gobolka Bokool ayaa waxaa ka soconaya in muddo ah dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo ururka SHabaab waxaana weli jira deegaano ay Shabaab maamulaan.

Alshabaab ayaa dhowr jeer weeraro ku soo qaaday saldhigyada ciidamada dowladda ee deegaanada Koonfur Galbeed, dhawaan ayay ahayd markii deegaanka Seydheelow ee gobolka Bay uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada Koonfur Galbeed iyo Shabaab kaasi oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac.

Like it? Share it!

Leave A Response