Al-Shabaab iyo ciidanka Puntland oo ku dagaalamay gobolka Bari

by Hassan Ali | Monday, Jan 16, 2017 | 119 views

16,January,2017(SofoNews) Dagaalkani oo u dhexeeya ururka ALshabaab iyo ciidamada amaanka Puntland oo ka dhacay deegaano katirsan buuralayda GalGala ee gobolka Bari wuxuu ka dambeeyeey kadib markii Alshababaab ay weerara gaadmo ah ay ku soo qaadeen saldhigyo ay lahaayeen ciidamada amniga Puntland.

Dagaalka ayaa la sheegey in uu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin sida ay warbaahinta ay u xaqiijiyeen saraakiil katirsan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa amray in ciidamo dheeraad ah la geeyo magaalaad Boosaaso si ay uga qeyb galaan dagaalada ka soconaya buuralayda gobolkaasi bari.

Dhawaan ayay ahayd markii Puntland ay ka saartay degmada Qandala kooxo taabacsan ururka Daacish.

Boqolaal dadweyne ah ayaa dib ugu laabtay guriyohooda tan iyo markii kooxahaasi laga saraay Qandala, hase ahaate waxaa casbi soo wajahaysaa kuwa kale oo degan deegaanada haatan dagalaadu ay ka bilowdeen.

Like it? Share it!

Leave A Response