Al-shabaab iyo ciidanka Kenya oo dagaal dhexmaray

by Hassan Ali | Friday, Oct 28, 2016 | 108 views

28,October,2016(SofoNews) Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Al Shabaab ayaa ka dhacay Duleedka Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka bilowday Degaanka Juungal kadib markii Diyaaradaha Dagaalka ee Dalka Kenya ay duqeymo xoogan ka geysteen tuulada Cali Xareed oo ku dhow Degaanka Jaangul ee gobolkaasi.

Degaanka Juungal ayaa qiyaas ahaan 20Km waxuu u jiraa Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo halkaasi oo ay ku sugan yihiin ururka Alshabaab.

Goobjoogayaal ayaa kuwarramaya Dadka  in Dagaalka uu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac balse aan sirasmi ah loo xaqiijin Karin.

Ilaa iyo hada majiraan wax hadal ah oo ka soo kala baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab oo ku aadan Dagaalkii ka dhacay Duleedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa imaanaya ayadoo dhawaanahan weeraro dadi ay ku dhinteen ay ka dheceen qeybo kamid ah dalka Kenya waxaana bilowday weeraro aar goosi ah oo ciidamada Kenya ay ku bartilmaameedsanayaan goobaha ay kusugan yihiin maleeshiyaadka Shabaab

Like it? Share it!

Leave A Response